Madaxweyne Xasan Sheekh oo furinta ku sugan ayaa wada abaabul culus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen, masuuliyiin heer Federaal iyo heer-dowlad goboleed ah, saraakiil iyo Taliyeyaal Ciidan.

Madaxweyne Xasan ayaa madaxtooyadu sheegtay inuu u kuur galayo furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka loogu magac daray xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado sida hadalka loo dhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka Alshabaab.

Sidoo kale, inta uu socdaalka Cadale ku jiray ku bogaadiyey Shacabka deegaanka in garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qaranka ay sii wadaan, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin Alshaabab iyo dib u hagaajinta deegaannada laga saaray inay ka jirto nolol iyo duruufo adag.

Socdaalka Madaxweyne ee furimaha hore ee dagaalka oo soo bilowday Isniintii todobaadkan ayaa waxaa uu ku kala tagay gobollada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, isaga oo shacabka iyo masuuliyiinta Ciidamada faray in dagaalka la laba jibaro.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed