Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Gubadleey, Daarusalaam, iyo Garsbaaley ay yihiin degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Ku dhawaaqistan ayaa kordhisay tirada guud ee degmooyinka gobolka Banaadir oo laga dhigay labaatan.
Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu taageersan yahay go’aanka Madaxweynaha. Waxa uu xusay in deegaanadan ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa si ay degmooyin u noqdaan, haatanna ay la mid yihiin adeegyada ay helaan degmooyinka kale ee G/Banaadir.
Maayarku waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay nidaamka maamul iyo bixinta adeegyada, isagoo tilmaamay in aqoonsiga degmooyinkani ay fududayn doonaan maamul-wanaagga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale waxaa uu xusay in loo baahan yahay in la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo in degmooyinkaas ay si buuxda uga mid noqdaan hannaanka maamul ee gobolka.
Gobolka Banaadir oo hadda ka kooban 20 degmo.
HBN NEWS DESK