Madaxweyne Xasan Sheekh madaxda hey’adaha amniga iyo saraakiil ciidan oo kulan culus ku yeeshay muqdisho laguna soo bandhigay warbixino xasaasi ah

Kulankaan oo ahay mid culus ayaa waxaa shir guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo looga hadaly  dardar gelinta amniga gobolka Banaadir iyo  xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho, iyada oo ay ka soo qeyb galeen hey’adaha ammaanka ee ugu sarreya dalka.

Kulankan oo markii ugu horreysay looga yeeray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka, iyaga oo soo bandhigay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo ma’suuliyiinta kale ee ammaanka ayaa sii daayay warbixino ku aaddan in sare loo qaado howlgallada nabadda lagu xaqiijino, isla markaana loo baahan yahay in si xooggan loo wadashaqeyo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed