Munaasabad kooban oo Madaxweynuhu waraaqaha aqoonsiga safiirnimo uu kaga guddoomayay danjirayaashan cusub ayaa maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana ka soo qayb galay xubno ka mid ah agaasinka Madaxtooyada & golaha Wasiirada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirada uu waraaqaha ka gudoomay waxay kala yihiin safiirka cusub ee Turkigu uu u soo magocwoday Soomaaliya Alper Aktas, safiirka Kuuriyada Koonfureed u fadhin doona Soomaaliya Yeo Sung-jun, safiirka cusub ee dalka Philippines Marie Charlotte & K.K. Theshatha oo ah danjiraha dalka Sri Lanka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa safiiradan wuxuu u sheegay in uu ku soo dhaweynayo Soomaaliya isla markaana joogitaankoodu uu uga dhigan yahay Soomaaliya sii xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda iyo Soomaaliya.
HBN NEWS DESK