Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Deni.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa soo saaray qoraal kooban oo ka dhan ah madaxweyne Deni isla markaana uu ku tilmaamay in uu caadeystay kaligii talisnimo, sida uu hadalka u dhigay, arrintaan ayaa ku shaacday warbaahinta taasoo dhalisay hadal heyn badan oo dhanka bulshada.

Karaash ayaa ka dhaawajiyay in tallaabooyinka iyo go’aannada uu qaadanayo Saciid Cabdullahi deni ay ku dhammaan doonaan fashil. Sidoo kale  waxaa uu sheegay in haddii Deni uu qaado tallaabooyin aanan hishiis lagu aheyn oo taabaneysa  arrimaha masiiriga ah ee Puntland in uu qaado cawaaqib xumadii ka dhalato.

Axmed Karaash ayaa horay u taageeray go’aankii Golaha Wakiilada Puntland ay ku sameysteen muddo kordhin 12 bilood ah, isla markaana ay sheegeen in ay la wareegayaan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, balse tallaabadaas waxaa burisay oo laashay maxakamadda Dastuuriga ah qoraal ay soo saartay.

Waxaa waji kale yeeshay khilaafka arrimaha doorashooyinka Puntland, taniyo markii Saciid Deni uu ogolaaday in lagu laabto doorashadii hore ee 66 Xildhibaan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed