Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku celceliyey baaqyo nabadeed oo ku aaddan colaadda u dhexeysa maamulka Somaliland iyo ciidamada SSC-Khaatumo ee gobolka Sool. Deni ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in la dhammeeyo khilaafka iyo xiisad ka tagaan dhinacyada, waxa uuna carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in lawada noolaado si daris wanaag ah, lana dhammeeyo colaada.
Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu dhawaan soo saaray wuxuu ku booriyay Somaliland inay joojiso colaadda abaabulan ee ka taagan gobolka Sool, isagoo dul istaagayy in loo baahan yahay nabadda iyo wanaagga dhammaan shacabka SSC iyo Somaliland.
Deni ayaa muujiyay sida ay Puntland diyaar ugu tahay inay wada hadal nabadeed la yeelato dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, isagoo caddeeyay inay ka go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida goboolka. Wuxuu ugu baaqay kuwa colaadaha ka daalay “in ay is xakameeyaan oo ay mudnaanta siiyaan wada noolaanshaha iyo nabadda .”
Madaxweyne Deni oo ka hadlayey dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee ku gadaaman SSC-Khaatumo ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo rabitaanka shacabka iyo in SSC-Khaatumo loo madax banneeyo maamulkooda cusub iyo aayahooda mustaqbalka.
Wuxuu ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in Puntland ay ilaaliso mabaadi’da iyo shuruucda dastuuriga ah, isla markaana la kobciyo aragti cusub oo uu yeesho gobolka.
Baaqa nabadeed ee Madaxweyne Deni ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha iyo colaadaha ka taagan gobolka Sool, isagoo hoosta ka xariiqay in degdeg loo helo xal nabadeed oo colaadda ah.