Madaxweynaha Xasan oo dowladda Tanzania kala hadlay madax-bannaanida, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya soona hadlay qaaday hishiiskii Itoobiya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Tanzania taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen isku dayga  iyo xadgudubyada lagu doonayo madax-bannaanida, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu tilmaamay in heshiiskii ay Itoobiya la saxeexatay dawladda aan la aqoonsan ee Somaliland ee ah in badda la galo January 1, 2024 uu keenay dareen iyo walaac caalami ah.

Waxa uu sheegay in caalamka aysan aqbalin in si cad loogu xad-gudbo shuruucda caalamiga ah maadaama heshiiskaasi uu yahay mid ka soo horjeeda mabaadi’da Afrika iyo kan caalamiga ah, isla markaana baal marsan sharciga caalamiga ah.

“Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda iyo shacabka Tanzania taageerada iyo is-garab istaagga ay u muujiyeen Soomaaliya ka dib markii ay Itoobiya isku dayday inay ku xad-gudbiso madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo xasilloonideeda oo ay heshiis sharci-darro ah la gashay Somaliland oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya, heshiiskaas waxa uu keenay walaac caalami ah sida. waa mid ka soo horjeeda shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Dalal badan ayaa ugu baaqay Itoobiya inay ixtiraamto madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana meesha ka saarto heshiiskaas, taa beddelkeedana loo maro hab sharci ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed