Madaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada ciidankiisa uga geeriyooday weerarkii Al Shabaab

Dowladda dalka Uganda ayaa shaacisay tirada Ciimadii uga dhintay weerarkii Al shabaab ay ku qaadeen magaalada Buula-mareer ee gobolka Shabeelada Hoose Toddobaad kahor halkaas oo khaasor xooggan uu ka soo garay Ciidanka dalkaasi ee kamid ah Ciimada Midawga Afrika ee ATMIS.

Madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale faah faahin ka bixyay weerarkii cuslaa  hor lagu qaaday saldhig ay ciidankiisu ku lahaayeen magaalada Buulo-Mareer, waxaa uu markii ugu horreysay qirtay tirada rasmiga ah ee uga dhimatay dagaalkaas, kuwaas ayuu ku sheegay ilaa 54 Askari.

Markii la eego tirada ay Al Shabaab Shaaciyeen iyo midda uu sheegay Yoweri Museveni ayaa aad ukala fog, Ururka AS ayaa sheegay 137 Akari in ay dileen ku dileen Buula-mareer, farqiga u dhaxeeyo labada tiro ee ay kala sheegteen ayaa gaaraya 83 Askari, balse majirto Cid ka madax bannaan labada dhican oo xaqiijin karto wadarta dhimashada.

Weerarkaas Buulo-Mareer ayaa  dhacay 26-kii bishii hore  ayaa ka mid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay Al-Shabaab ku qaadaan Ciimada ATMIS.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed