Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka lagula jiro Daacish iyo Alshabaab ee ka socda dalka ayaa sheegay in goobo badan ay Ciidamada Dowladda wajahaan dagaallo adag oo lagula jiro kooxahaan oo siduu hadalka u dhigay laga adkaan doono.
Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalka Puntland ee Daacish ay ku wajaheyso ayaa ku amaanay sida uu hadalka u dhigay qaabka iyaga iyo shacabka ay ula dagaalamayaan kooxda.
Waxaa uu shaaciyey in laga adkaan doono kuwa Cabsida iyo Barakicinta ku haya dadka ee doonaya sida uu warka u dhigay in meesha lagu hayo.
“Waa ka adkaanaynaa kuwa qaba dadka inay meeshay joogaan lagu hayo. waana ka adkaaneynaa dhinackasta” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Sidoo kale, waxaa ayuu tilmaamay in saacadaan ay dagaallo adag Ciidamada Dowladda ay kula jiraan labada kooxood, laga bilaabo Buuraha Calmiskaad, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose ilaa Baay iyo Bakool, isagoo hadalkan jeediyey xili uu ka hadlayey nidaamka caafimaadka dalka oo aad u hooseeya.
Ciidamada dagaallada ku soo dhaawacma ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kaga baxdo Kharashaad iyo dhaqaallo badan oo dhanka baxo baxnaanadooda ah, iyadoo uu tilmaamay in Isbitaallada gudaha dalka ay lacago ku siiso, inkasta oo aanay ka qaadin sida uu hadalka udhigay faa’iidadii dheeraad aheyd askarta dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabaabay inay dowladdu wado dadaalo ku aadan sidii ay wax uga bedeli laheyd xaalada dalka iyo hormarka socda.
HBN ONLINE TV