Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gabagbeeyay safar shaqo oo uu ku tagay dalka Eratariya xilli Soomaaliya ay raadineyso taageero dagaalka Al shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhoofay dalkaas, isagoo soo gebagebeeyey socdaalkiisii ​​shaqo ee labada maalmood ahaa, oo ahaa mid miro dhal ah. Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wadatashi joogta ah si loo adkeeyo xiriirka adag ee  iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Inkastoo aanan xog rasmi ah oo laga soo saaray kulankaan, haddana  Madaxweyne Xasan ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki , oo ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac, sida xoojinta xiriirka labada dowlad, arrimaha ammaanka, hormarina tababarada ciidamada Soomaaliya in la sii kordhiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxda Al shabaab.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa sii kordhayay xiriirka Muqdisho iyo Asmara, xilli Eratariyo ay tabbar culus siisay kumanaan ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, halka qaarkoodna ay ilaaliyaan ammaanka caasimadda Soomaaliya iyo deegaannada  ku xeeran.

Soomaaliya waxaa ka jooga dalka Eretariya ciidamo badan oo halkaas tababar ku qaadanaya mudo sanado ah, iyadoo cutibyadii ugu horeeyay oo tababar kusoo dhameystay Eretariya ayaa dalka dib loogu soo celiyay dhamaadkii sanadkii tagay ee 2023.

HBN NEWS DESK 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed