Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku maraya furimaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u socdaal u galay jiidaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, kaasi oo ka socda qeybo badan oo dal ah.

Inta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka ayaa madaxtooyada dalku sheegtay inuu u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixinno ka dheggeysan doona talisyada iyo hoggaannada horkacaya dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay sida hadalka loo dhigay jab weyn gaarsiiyay kooxda.

Sidoo kale, Tegitaanka Madaxwyenaha ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa sida Viila Soomaaliya ay carrabowday xilli ay shacabka ku nool caasimadda iyo guud ahaan dalka iyo dibaddaba ay taageero xooggan u muujiyeen howlgallada dalka ka socda.

Meelaha uu tagi doono Madaxweynaha waxaa ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, halkaasi oo xoogga dalku uu ka socdo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed