Madaxweynaha Soomaaliya oo shir xasaas ah uga qeyb galaya Yurub iyo ujeedka shirkaas

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah gaaray magaalada Brussels si uu uga qeyb galo shirka Global Gateway Forum oo la qorsheeyay inuu dhaco 25-ka iyo 26-ka bishan October.

Guddoomiyaha Komishanka Yurub Ursula von der Leyen waxay martigelisay in ka badan 40 wakiillo dawladeed oo heer sare ah oo ka socda Midowga Yurub iyo waddamada iskaashiga ah iyo wufuud ka socota hay’adaha maaliyadeed, oo ay ku jiraan EIB iyo EBRD, waaxda gaarka ah, bulshada rayidka ah, iyo ururada caalamiga ah.

Madaxweyne Maxamuud ayaa kulanka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo arrimaha muhiimka ah ee caalamka, isagoo si gaar ah u tilmaamay baahida degdega ah ee loo qabo maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha, u gudbida tamarta cagaaran, iyo muhiimadda ay waxbarashadu leedahay.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiro safarkiisa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda wadamada Yurub ee ka qeyb galaya shirka. Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu u ololeyn doono dhaqaalaha lagu bixinayo howlgallada ka socda dalka. Bishii Sebtembar, dowladdu waxay amar ku bixisay codsi loo gudbiyay Golaha Ammaanka si ay uga fiirsadaan joojinta 90-ka maalmood ee soo saarista  3,000 oo nabad ilaalin ah oo ka tagay Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafay, Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti, iyo Uganda—oo matalaya shanta dal ee ciidamadooda ku yaboohay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)—waxay sidoo kale ugu baaqeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu dhaqan geliyo joojinta 90-ka maalmood ee ciidamada nabad ilaalinta.

Labo warqadood oo kala duwan ayaa shantan dal iyo dowladda federaalka ah waxay ku sheegeen in qiimeyn farsamo oo wadajir ah oo dhowaan ay sameeyeen ay muujineyso xaaladda adag, gaar ahaan dadka ku nool xarumaha ay ka howlgalaan ee lagu wareejinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ama la doonayo in la xiro.

Tan iyo bishii Ogoosto, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dusha kala socday duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed