Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo oo muhiim a uga bilaabatay maagaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, kadib casuumaad uu ka helay Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis. Booqashadan oo ujeedadeedu ahayd horumarinta iskaashiga istiraatijiyadeed iyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ayaa hoosta ka xariiqaya muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan oo gobolka ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska rasmiga ah ee madaxtooyada Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ajandayaasha uu ka hadlayo waxaa ka mid ah inuu wadahadallo laba geesood ah la yeesho madaxda Sucuudiga si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh. Wadahadalladan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka dhinacyada sida iskaashiga amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegantay iyadoo gobolka uu ka socdo isbedello siyaasadeed, iyo iskaashiga dowladaha deriska ay kaalin weyn ka qaadanayaan horumarinta xasilloonida iyo horumarka.
Wadahadalladan ayaa la filayaa in ay taaban doonaan dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan iskaashiga amniga si wax looga qabto caqabadaha gobolka iyo fursadaha lagu horumarinayo iskaashiga dhaqaalaha.
HBN NEWS DESK