Madaxweynaha Soomaaliya oo La Kulmay Amiirka Dalka Qatar.

Muqdisho ( Hbn tv)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad, kulankaan oo ka dhacay Xarunta Boqortooyada ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah, si gaar ah waxay dul-istaageen sii xoojinta iyo wada-shaqeeynta labada dal kuwaas oo leh Xiriir taariikh ah oo dheer.

Labada Masuul ayaa soo hadal qaaday, in la sii xoojiyo shaqooyinkii iyo Mashaariicdii dowladda Qatar ay ka waday Soomaaliya lana sii kordhiyo iyo arrimo kale,oo laga caawinayo Soomaaliya, Sida dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo taageerida Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyna Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shirka 5-aad ee Qarmada Midoobey ee looga hadlayo Xaaladaha dalalka soo koroya oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay, Waxana lagu wadaa in qudbad dheer uu Madashaasi ka jeedi doono Madaxweynaha, asiga oo diirada ku saari doono ka sheekeynta xaaladda Soomaaliya, oo ay ugu horeyso in laga taageero dagaalka Ururka Al-shabaab looga Xoreynaayo guud ahaan dalka iyo nabad galyada.

Si kastaba Safarka Madaxeynaha ayaa ku soo aadayo Xilli uu ku dhawaaqay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab ee ka socda koofurta iyo bartamaha.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed