Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eratariya halkaas oo uu booqasho shaqo oo labo maalmood ah ku joogi doono, Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.
Madaxweyne Xasan ayaa kulan xasaasi ah la yeelan doona dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki maalmaha uu joogo dalkaas, oo ay ka wada-hadli doonaan iskaashiga labada dhinac, sida xoojinta xiriirka labad dal, arrimaha ammaanka, hormarina tababarada ciidamada Soomaaliya ay siiso Eratariya iyo arrimo kale oo khuseya labada dal.
Eritrea ayaa waxaa ku sugan oo tababar ku qaadanaya qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida, waana mid kamid ah waddamada Soomaaliya ka gacan siiya tababarka ciidamada, kaasi oo lagu tilmaamo midka ugu adag ee la siiyo ciidanka Soomaaliya.
Boqoshadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaaliya ay dagaal xooggan kula jirto kooxda Al shabaab, isla markaana ay u baahan tahay taageero xooggan oo gobolka ah iyo caalamka, waxana lagu wadaa in uu booqdo ciidamada ku sugan dalkaas.
HBN NEWS DESK