Madaxweynaha Soomaaliya oo dalacsiiyay qaar kamid ah ciidamada sugun furimaha dagaalka gobolka Mudug

Madaxweynaha Dolwadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalacsiiyey saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ee ka howlgala degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan ilaalinta amniga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u dalacsiiyay Saraakiisha hoggaamineysa Ururrada 6-aad iyo 3-aad ee Guutooyinka 18-aad iyo 17-aad ee Ciidanka Kumaandooska ee ‘Gorgor’.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dar daarmay ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysa in la dardar geliyo howlgallada ka dhanka ah Al shabaab si looga xoreeyo deegaannada cusub ee ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada.

Dowladda Federaalka ayaa tilmaantay in ay ka go’an tahay dhameystirka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ay dowladdu ka xoreysay deegaanno dhowr ah oo ay Al-shabaab ka talinayeen dhowr iyo toban sano.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ee Gorgor iyo DANAB ayaa muddooyinkii dambe waxa ay wadeen howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ku sugan deegaanada Galmudug,Hir-Shabeelle,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed