Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.
Shirkaan waxaa ka qeyb galaya madax kala duwan iyo 5,000 oo ergo oo mataleysa 93 waddan oo caalamka ku yaal iyo hey’ado caalami ah. Xubnaha ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo shalay yimid shirkaan, waxaana soo dhawayn u sameeysay madaxtooyada Kenya.
Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aysan marnaba la fariinsan doonin Itoobiya, iyada oo aan marnaba wadahadal ka gali doonin murankii ka dhahsay heshiiskii is afgaradka ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida dhulkeeda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan, si uu xoojiyo doorka xiririka ay ku leedahay Soomaaliya qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.
HBN NEWS DESK