Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare isla markaana magacaabay mid cusub

Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa uu ku meel-mariyay xil ka qaadis iyo magacaabis wadajira.

Muuse Biixi ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland, Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan, isaga oo xilkaas u magacaabay Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage.

Wareegtada ayaa u qornayd sidatan:-

” Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida, kuna magacaabay Gudoomiye cusub”.

Warqada xil ka qaadista guddoomooyihii Maxkamadda Sare ee Somaliland laguma sheegin sababta ka dambeyso ee uu xilkiisii ku waayay, marka laga reebo in wareegtada lagu sheegay ” in xilku uu yahay meerto”.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed