Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Turkigu uu hada garabsiinayo Soomaaliya, ka dib markii sida hadalka uu u dhigay ay guuldaraysteen dadaalo uu ku doonayay in heshiis lagu dhexdhigo Somaliland iyo Soomaaliya.
“Turkigu muxuu ugu dagaalamayaa garab istaaga Soomaaliya, danaha dalkiisa ayuu ka dhex arkaya, Somaliland intii uu xodxodanayay waxaa uu ka waayay in wax aan qaranimada Somaliland ahayn laga wada hadlo, isaguna wuxuu doonayay in uu inagu celiyo Xamar” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Sida oo kale madaxweyanaha Somaliland oo ka hadlayay ciidamada Masaarida ee la rajaynayo in la keeno Soomaaliya, ayaa sheegay in dhib waxaan ahayn ayna soo kordhindoonin, isaga oo tilmaamayin dalka Yemen uu eeday ciidamo masaari ah oo loo diray lixdameeyadii sida uu qudbadiisha ku cadeeyey.
Hadalkiisa waxaa uu ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Biixi oo uuu carrabka ku dhuftay in guul muhiim ah Somaliland ay gaadhay, taasi oo sababtay in maanta caalamku ku kala qaybsamo, oo uu noqday qayb taageersan iyo qayb ka soo horjeeda oo dano siyaasadeed oo isdiidan awgood.