Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul u dhaliilay shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. Deni ayaa kulanka ku tilmaamay mid aan ka turjumayn danaha shacabka Soomaaliyeed.
Deni ayaa ku dooday in go’aamada khuseeya danta guud aysan ahayn mid ay koox yar go’aansato balse ay tahay in la wadaago si loo xaqiijiyo waxtarka. “Golaha Qaranka waxa ka socda ma ahan wax Puntland ay ka tirsan tahay, mana ahan wax ay Puntland raali ka tahay” ayuu yiri Deni. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in golayaasha dowladda ay isku yimaadaan oo ay dadka ka qeybgalaan geeddi-socodka go’aan qaadashada.
“Go’aannada ay qaataan dhowr qof oo aan ka tarjumeynin dareenka dadka waxay dilayaan waqti,” ayuu yiri Deni. Wuxuu rajo ka muujiyay in caqligu uu guuleysto oo si sax ah uga tarjumo xaaladda Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo kala duwanaanshaha dadkeeda. “
Ka baaqashada Deni ee shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran oo arrimo muhiim ah looga hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inuusan ku qanacsaneyn. Waxa uu si cad u sheegay in Puntland aysan raali ka aheyn qodobadii lagu heshiiyey shirka, iyadoo horey u diiday. Hadalka Deni ayaa muujinaya xiisada ka dhex aloosan dowladda Federaalka iyo Puntland iyo sida loogu baahan yahay in si weyn looga wada qeyb qaato go’aanada qaran ee Soomaaliya.
HBN NEWS DESK