Madaxweynaha maaulka Koonfur Galbeed oo ku dhwaaqay bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah AS.

Madaxweynaha maaulka Koonfur Galbeed ayaa shir aan caadi aheyn gudoomiyey kaas oo looga hadlay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka kooxda Al shabaab, waxana ka soo qeyb galay saraakiil culus oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa madasha kulankaan ka sheegay in xilligaan kadib loo baahan yahay bilaabida dagaalka ka dhanka ah ururka Al shabaab, gaar ahaan deegaananda badan ay ka heystaan maamulkaas.

Shirka waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka, gudoomiyaasha maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka qeybahooda kala duwan ee ka howlgala guud ahaan deegnada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka dambeeya uu bilaabanayo dagaalka deegannada Koonfur Galbeed looga saarayo dagaallamayaasha Al shabaab.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeyso iyada oo madaxweynaha maamulkaas uu saaran yahay cadaadis xooggan oo dhanka mucaraadka ah kaas oo ku aaddan arrimaha doorashooyinka Koofur Galbeed, sidoo kale Al shabaab ayaa heysto deegaannada ugu badan ee KGS marka laga reebo Jubaland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed