Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa eedeyn culus u jeediyay Xildhibaanada Hirshabeelle ee ka soo jeeda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Cali Guudlaawe oo aad uga fog hadaladii uu horay u sheegay ayaa si cad u dhaliilay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo uu ku tilmaamay kuwa caqabad ku ah horumarka maamulkiisa.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu caleema saarayay golaha deegaanka oo ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay, isagoo ku eedeeyay xildhibaanada Hirshabeelle inay wiiqayaan dadaallada maamulka, ayna wadaan kala qeybsanaanta gobolka. “Waxaan ognahay in Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Hirshabeelle ay dhagxaan ku tuurayaan kala qeybsanaan iyo inay caqabad ku yihiin horumarka”ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Qudbadiisa waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in Xildhibaanadu ay mudnaanta siiyaan horumarinta deegaanada laga soo doortay, halkii ay ka hor istaagi lahaayeen horumarka. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kula dar daarmay Xildhibaanada in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanadooda.
Cali Guudlaawe oo ka hadlayay walaaca ballaaran ayaa ka digay saameynta ay ku yeelanayaan danaystayaasha siyaasadda ee doonaya in ay abuuraan colaad ay danahooda gaarka ah ku wataan. Xildhibaanka ayaa kula dar daarmay in danta shacabkooda ay ka hormariyaan danta siyaasadeed, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimada ay leedahay midnimada iyo wada shaqeynta deegaanka.
HBN NEWS DESK