Madaxweynaha Jubbaland oo safar aanan la shaacin ku tagay furimaha dagaalka ee gobolka Jubada Hoose isla markaana diray fariin culus

Axmed Maxamed  Islaam Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland, ayaa tagay furimaha  hore ee dagaallka ee deegaanka Buula Xaaji oo ku dhow Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, socdaalkan oo aanan la shaacin ayaa lagu baahiyay warbaahinta Jubaland kaddib tagitaankiisa.

Socdalkan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalmo ka hor laga saaray tuuladaasi oo ay maamulayeen kooxda Al-Shabaab oo muddo toban sano ka badan gacanta ku haysay.

Madaxweyne Madoobe ayaa intii uu ku guda jiray socdaalkiisa waxa uu la hadlay dadka deegaanka, isagoo u balan qaaday in aysan dib ugu soo laaban doonin Tuulada kooxdaShabaabka. Sidoo kale waxa uu balan qaaday in maamulkiisa uu gaarsiin doono dadka ku nool Buula Xaaji adeegyada aas aasiga ah oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada.

Xoreynta Buula Xaaji ayaa ah guul la taaban karo oo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya. Tuuladan oo qiyaastii 80-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa waxaa muddo sanado ah gacanta ku hayay kooxdan hubeysan, isla markaana ku jirtay go’adoon la xariira waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada dowladeed ee aas aasiga ah.

Xoreynta Buula Xaaji ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo ay waddo dowladda Soomaaliya, iyadoo taageero ka heleysa saaxiibada caalamka, si looga guuleysto Al-Shabaab, laguna soo celiyo nabadda iyo xasiloonida dalka. Ciidamada dowladda ayaa howlgalo ciidan oo ka dhan ah kooxdaasi waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolada dalka, iyadoo guulo la taaban karo laga gaaray bilihii lasoo dhaafay.

HBN NEWS DESL

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed