Madaxweynahii Iran Ebrahim Raisi, oo ah nin mayal adag oo muddo dheer loo arkayay in uu yahay ninka bedeli kara hogaamiyaha Sare ee Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka buuraleyda ah ee u dhow xuduudka Asarbayjan, saraakiil iyo warbaahinta dowladda ayaa sidaaa sheegay.
Burburkii diyaaradii Helicopter-ka ee burburtay Axaddii ee siday Raisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hossein Amirabdollahian ayaa la helay ka dib markii habeennimadii xalay la raadinayey.
“Madaxweyne Raisi, wasiirkii arrimaha dibadda iyo dhammaan rakaabkii saarnaa helikobtarka ayaa ku dhintay shilka,” ayuu sarkaal sare oo Iran ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo la xiriira xasaasiga arrintan.
Geerida Raisi ayaa markii dambe lagu xaqiijiyay hadal ay baraha bulshada soo dhigeen madaxweyne ku xigeenka Mohsen Mansouri iyo telefishinka dowladda.
TV-ga Qaranka ayaa sheegay in muuqaalo laga soo qaaday goobta ay muujinayaan diyaarada oo ku dhacday buur dusheeda, inkastoo aan xog rasmi ah laga haynin sababta keentay burburka diyaarada.
Wakaalada wararka ee IRNA ayaa ku warantay in Raisi uu watay diyaarad helicopter ah oo nooceedu ahaa Bell 212.
Raisi, oo 63 jir ah, ayaa loo doortay madaxweyne 2021-kii, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay waxa uu amray sharciyo adag oo anshaxeed, waxa uu kormeeray olole dhiig badan ku daatay oo lagu qaaday mudaaharaadyadii dawladda, waxana uu aad ugu riixay wadahadallo la xariira hubka nukliyeerka ee quwadaha aduunka.
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo isagu leh go’aanka ugu dambeeya ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo barnaamijka Nukliyeerka Iran ayaa mar sii horreysay isku dayay inuu niyadda u qaboojiyo Iiraaniyiinta, isagoo sheegay in arrimaha qaranka aan la carqaladeyn doonin.
HBN NEWS DESK