Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, ahna Dhaxalsugaha Abu Dhabi, Sheekh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, ayaa booqday Isbitaalka Xoogga ee Zayed, halkaasoo lagu daweynayo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo lagu dilay saraakiil ka soo jeedo dalkaas iyo mid u dashay Baxreyn.
Shilkan ayaa yimid kadib markii askari dhawaan tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu rasaas ku furay xerada ciidanka Gordon oo ay maamusho dowladda Imaaraadka Carabta. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in askariga uu rasaas ku furay saraakiil ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta iyo kuwa Soomaaliya, xilli ay ku jireen salaad.
Ururka Al Shabaab, ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, iyagoo sheegay in dagaalyahanadooda ay ku dileen 17 askari.
HBN NEWS DESK