Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Cagjar oo war cusub ka soo saaray dhibaatadii ka jirtay ganacsiga xoolaha oo ciidamadu dhici jireen

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo war cusub ka soo saaray, aya sheegay in xal laga gaaray dhibaatadii ka jirtay  muddooyinkii la soo dhaafay dadka ka ganacsada xoolaha nool, kuwaas oo markay xoolahooda usoo wadaan magaalooyinka waawayn ee degaanka Ciidamadu ku dhici jireen duleedka magaalada iyagoo sabab uga dhigaya inay xoolahaas yihiin waxa ay ku sheegeen Kootarabaan.

Kulankan uu la qaatay qaar kamid ah dhalinyarada Dowlad degaanka Soomaalida ayuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahayd arrimaha suuqgaynta xoolaha nool oo hadda ka hor ay dhibaato ka jirtay xoolaha nool ee lakeeno Suuqyada magaalada Jigjiga.

Mustafe Cagjar ayaa intaas raaciyay in jiri karto sheegashooyin lid ku ah waxa lagu heshiiyay oo ah inaysan Kootarabaan ahayn xoolaha la keenayo suuqa magaalada Jigjiga, kuwaas oo Madaxweynuhu sheegay inay gaysanayaan dad hoose balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in arrimahaasi markay cabashadooda soo gaarto Dowladda in markaaba la xalliyo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan ayaa imaanaya, iyada oo xoolo badan oo isugu jira Ari, Lo’ iyo Geel laga kala keenay magaalooyinka dowlad deegaan oo loosoo iib geeyay magaalada Jigjiga, ay dhexda u galaan Ciidamada Faderal Booliska kadibna ay xoolihii la wareegaan iyagoo ku sheegaya inay xoolahaasi yihiin kuwo aan sharci ahayn ama Kootarabaan ah, balse hadda Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arrintaas heshiis buuxa laga gaaray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed