Madax ka socota Somaliland oo ku baxay dagaalkii ka dhacay Dacawaley

Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday talaabo degdeg ah, ka dib dagaalkii ka dhacay deegaanka Dacawaley ee degmada Xarshin, iyada oo masuuliyiin ka socda maanta ay ka talaabeen xadka.

Wafdi uu huggaaminayo Wasiirka Amniga Somaliland Cabdalle Maxamed Carab iyo taliyaha ciidamada Booliska oo ka baxay magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay xaduudka kula kulmaan madax sare oo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida iyo Itoobiya.

Kulanka ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco marka hore Wajaalle, iyada oo loo sii gudbi doono magaalada Jigjiga, waxaana laga wada hadli doono dagaalkii deegaanka Dacawaley oo Xukuumadda Somaliland ku tilmaantay xasuuq.

Sida oo kale waxaa Somaliland intaasi ku dartay in inta dagaalku uusan bilaaban la afduubtay waxgaradka ka soo jeeda, iyada oo tacadiyo kale ku sii eedeysay maamulka Soomaali galbeed.

Waxaa maanta degan xaaladda deegaanka shalay dagaalku ka dhacay oo sababay khasaare aan la cayimin, kaasi oo soo gaaray dadka rayidka, iyada oo muuqaalo ku baahay baraha bulshada ay muujinayeen burbur baahsan oo la gaarsiiyey kaabayaasha nolosha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed