Maamulka SSC-Khaatumo oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in si siman aysan u qeybin mashaariicda ka timaada Beesha Caalamka isla markaana diiday in Somaliland aanan loo marsiin karin

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku booriyay dawlada federalka ah inay si siman u qaybiso mashaariicda sama falka ah ee ka imanaysa beesha caalamka guud ahaan dalka gaar ahaan meelaha jilicsan sida deegaannada SSC-Khaatumo.

Hoggaamiye ku xigeenka SSC-Khaatumo,  Maxamed Shiine, ayaa  sheegay in mashaariic dowladdu ugu talagashay SSC khaatumo loo marsiiyay dhinaca Somaliland isla markaana dowladda ku eedeeyay in ay u aragto deegaannada maamulkooda in ay ka tirsan yihiin Somaliland, waxana arrintaas u ku sheegay mid aanan la aqbali karin.

Hoggaamiye ku xigeenku waxa kale oo uu ku nuux nuuxsaday “Arrimaha la yaabka leh waxa ka mid ah in Mashaariicda loogu talo galay deegaannada SSC inay Somaliland soo maraan si loo fuliyo, intaas waxaa uu raaciyay in dowladda federaalka  looga baahan yahay inay mashaariicda bini’aadantinimada u qeybiso si caddaalad ah oo siman.

Hadalka Hogaamiye ku xigeenka SSC-Khaatumo ayaa kusoo aadaya xili dowlada Federaalka ay lacago  u qoondeysay  in looga  qabto deegaanno dhowr ah oo dalka ka tirsan, waxana la sheegay in aysan ku jirin SSC-Khaatumo. Lacagahaan ayaa diirada lagu saarayaa dhanka waxbarashada seddexda sano ee soo aaddan.

Si kastaba SSC khaatumo iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhex alloosan ciloolad taniyo bilaaawgii sanandkii hore, waxana ka dhacay dagaallo xoggan oo sababay in ciidamada Millatariga Somaliland laga saaro deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed