Maamulka Puntland oo si deg deg ah uga jawaabay arrinta wax ka bededelka dasuurka iyo kulamo lagu wado in ay ka dhacaan magaalada Garowe

Maamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel-mariyay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogan wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay.

” Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991. Wuxuu laalay dastuurkii lagu doortay, laguna dhaariyey. Wuxuu dhumiyey sharciyaddii (legitimacy) iyo kalsoonidii xafiiskiisu lahaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Jawaabta maamulka Puntland ayaa timid, saacdo uun, kadib markii maanta xildhibaanada laba gole ay meel mariyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ka ah ee dalka.
Warar kala duwan oo aan ka heleyno madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in madaxweyna Deni uu kulan deg deg ah la yeelan doono golahiisa wasiirada, kaasoo lagu caddeyn doono mowqifka maamulkaas iyo tallaabada ay qaadi doonaan, wallow ay horay ay u diideen arrimaha dastuurka.

HBN NEWS  DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed