Maamulka Jubbaland oo gacanta ku dhigay deegaanka Raas-Kambooni oo dagaal adag ay kula galeen CXD

Wararka ka imaanaya deegaanka Raaskaambooni ayaa xaqiijinaya in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen goobihii maanta ay dagaalka kula galeen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan aaggaasi ayaa haatan ku jira gacanta ciidamada Jubbaland.

Dhinaca kale, wararka ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ah ciidamada dawladda Soomaaliya ay ka gudbeen xadka Kenya, halka kuwa kalena ay isku dhiibeen dhinaca Jubbaland.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, iyadoo wararka laga sugayo dhinacyada ku lugta leh dagaalka si loo xaqiijiyo macluumaadka dheeraadka ah.

Dagaalkaan ayaa qayb ka ah xiisadaha soo noqnoqday ee u dhexeeya Jubbaland iyo dawladda federaalka, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nabadda iyo amniga gobolka.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya Saacado ka dib markii Mareykanka uu ka digay xiisadaha ka taagan Jubaland oo sababi iska horimaadyo culus, taasi oo sii xumeyn karta sida hadalka loo dhigay wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Dowladda iyo Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed