Maamulka Hirshabeelle oo xilka qaaday duqii gobolka magaalada Beledweyne mid kalana magacaabay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday Duqii Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan. Nadar Tabax Maalin ayaa xilka heysay, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdullaahi Salaad.

Go’aanka xilka looga qaaday Maayar Nadar Tabaax ayaa lagu sheegay wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Karoore, iyadoo loo cuskaday sababo aan la shaacin oo xilka looga qaaday. Cabdullaahi Salaad Kuugey ayaa loo magacaabay duqa degmada Baledweyne.

Xil ka qaadista Nadar Tabaax ayaa ku soo aadeysa iyadoo magaalada Baledweyne ay ka arimiyaan maamulada Hirshabeelle iyo Hiiraan State oo aanan heysan aqoonsi. Ma cadda talaabooyinka ay qaadi doonaan maamulada is khilaafsan ee ka jira Beledweyne.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu farayaa laamaha ammaanka ee maamulka gobolka iyo kuwa degmada Baledweyne inay la shaqeeyaan duqa cusub ee loo magacaabay C/llaahi Salaad . Duqa magaalada ayaa la faray inuu si hufan u guto xilka cusub ee loo magacaabay.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu eedeyn culus u jeediyay Xildhibaanada Hirshabeelle ka soo jeeda ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed