Maamulka degmada Hodan oo mamnuucday in hoteellada iyo maqaayadaha aysan shaqeyn karin saqdii dhexe habeenkii

Guddoomiyaha degmada Hodan Cali Faxle ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo wiilasha iyo gabdhaha inay soo xaadiraan habeenkii, wuxuuna amar ku bixiyay hoteellada iyo maqaayadaha maxalliga ah inay joojiyaan shaqada goobaha lagu caweeyo.

Fahle ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay uga go’an tahay ilaalinta bilicda xarumaha soo dhaweynta ee degmada Hodan. “Waa mamnuuc in habeenkii  hoteelada degmada iyo maqaayadaha laga cunteeyo dhalinyarada, wax dhisme ah ma shaqeyn doono saqda dhexe kadib,” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay ganacsatada deegaanka in ay ilaashadaan hantidooda. “Bilicda degmadeena waxaa kor u qaadaya wadooyin bulukeeti ah oo isku xiran,laakin maqnaanshaha dhirtu waxa ay ka qeyb qaadaneysaa heerkulka aan loo baahneyn,ganacsade kasta waa in uu xil iska saaro ilaalinta dhirta cagaarka ah ee ka baxsan goobtiisa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Siyaasaddaan ayaa ah mid ku qotonta qorshe ballaaran oo ay waddo Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo dhawaan Saqdii dhexe ka dib ka mamnuucay Hoteellada iyo Maqaayadaha Muqdisho in ay shaqeeyaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed