Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in isku day Dawlada Kenya ku doonayso in ay ku dhexdhexaadiso Soomaaliya & Itoobiya uu ku soo dhamaaday isfaham la’aan iyadoo aanay jirin wax natiijo ah oo soo baxday.
Warar HBN ay ka heshay ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafuud ka socota Soomaaliya & Itoobiya ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi balse labada wafdi ayaan yeelan wax kulan ah, waxaase u kala dab qaadayay masuuliyiinta Kenya.
Ilo dhanka diblumaasiyada ayaa sheegay in wafdiga Soomaaliya ay diideen inay toos ula fariistaan wafdiga Itoobiya iyagoo ku xiray sharuudihii hore ee ahayd in kulan toos ah uu dhacayo haddii Itoobiya ay la laabato isfahamkii ay la gaartay Somaliland isla markaana ay caddeyso inay ixtiraamayso midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Madaxweynaha Kenya William Ruto oo dhawaan kulan kula yeeshay magaalada Nairrobi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wuxuu ka codsaday inuu dhexdhexaadin in uu ka galo khilaafka labada dal.
Lama oga in dib la isugu soo laaban doono laakiin waxaa naloo xaqiijiyay in illaa iyo hada aysan jirin wax horumar ah oo laga sameeyay dadaalkii Kenya waday.
HBN Online TV