Liibiya oo masaafurisa ku dhawaad 500 tahriibayaal kuwaas oo ka yimid dalal ay ku jiraan Masar iyo Nigeria

Maamulka Liibiya ayaa ku dhawaaqay in la tarxiilayo 486 muhaajiriin sharci darro ah oo u kala dhashay dalalka Masar iyo Nigeria. Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda fadhigeedu yahay Tripoli, General Imad Trabelsi, ayaa sheegay in 192 tahriibayaal ah oo u dhashay Nigeria, oo ay ku jiraan 102 oo ka yimid dalaka Tunisia, in la musaafurinayo.

Waxa uu intaa ku daray in 294 kale oo dalka ku soo galay si sharci darro ah oo Masar ka yimid dib loogu celin doono maagaalada Qaahira. Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa Isniintii dib u celiyay 161 Nigerian ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Waxa ay sheegeen sidoo kale in kooxdaas 102 ka mid ah lagu qabtay xuduudka iyaga oo doonayey in ay ka gudbaan Libya iyo Tunisia, si ay halkaas uga tahariibaan.

Ilaa 2,000 oo muhaajiriin ah, oo ugu horrayn ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya, ayay mas’uuliyiinta Tunisia u kaxeysteen degaanka saxaraha fog ee Ras Jedir, waxayna uga tageen halkaas si ay naftooda ugu badbaadiyaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal, kooxaha xuquuqdu Iinsaanka  iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Tan iyo bilowgii bishii Luulyo, ugu yaraan 27 ayaa meydkooda laga helay aagga xuduudda, 73 kalena waa la la’yahay, sida ay ilo bini’aadannimo u sheegeen AFP horraantii bishan.

Qiyaastii 600,000 oo muhaajiriin ah ayaa ku nool dalka ay colaaduhu aafeeyeen, kaasoo soo maray 12 sano oo colaad ah tan iyo sannadkii 2011-kii oo ay NATO taageertay kacdoonkii lagu riday Mucamar Al-Qadaafi.

Maamulka Liibiya ayaa dhaleecayn xooggan kala kulmay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqul insaanka oo ku eedeeyay xadgudubyada ay u geystaan ​​dadka tahriibayaasha ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed