Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo kala aragti duwanaan u baaqday

Waxaa markale maanta baaqday kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo ilaa haatan aanay jirin faah-faahin kasoo baxday Guddoonka Golahaas.

Muran salkiisu yahay arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaankeeda Dalka oo Xildhibaannada soo kala dhexgalay isla markaana gaaray heer ay mooshin diyaariyaan Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka ayaa loo sababeynayaa baaqashada fadhiga golaha.

Warbaahinta Madaxbannaan ayaa lagu wargeliyay in aanay jiri doonnin Waraysiyo ama Shirar Jaraa’id oo Xildhibaannadu ugu qaban karaan Xarunta Baarlamaanka gudaheeda iyo bannaankeeda, taasi oo abuurtay dood kale.

Baaqashada Fadhiga Baarlamaanka ayuu Guddoonkooda iyo habdhowrkoodaba u arkaa in uu xal u yahay maadaama laga fogaanayo is qabqabsi iyo buuq saameeya inta uu kulankaan socdo, kala aragti duwanaantana lagu xalin doonno bannaanka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka waxa ay kulmaan Maalmaha Sabtida, Isniinta & Arbacada, guddiyada joogta ah ee Golahaas waxa ay kulmaan Maalinta Khamiista, halka maalmaha Axadda iyo Talaadada keliya ay kulankooda qabsadaan marka arrin degdeg ah jirto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed