Kulan Xasaasi ah oo Maanta Golaha Aqalka Sare ay ku yeesheen Muqdisho.

kulan ay Maanta ku yeesheen Golaha Aqalka Sare ayaa lagu soo gabagabeyay magalaada Muqdisho kaas oo lagu dul-istaagay habraaca dib-u-eegista  Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ah ee dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 19-aad kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka: Qaybinta Xeerka Gaarka ah ee Habraaca Nidaamka Dib u eegista iyo Wax-ka beddelka Dastuurka KMG.

2.Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.

3. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan beenebeene iyo Wasirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Mudane Axmed Macalin Fiqi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u akhriyay labadaas sharci oo ka mid ah sharciyada Dalka muhiimka u ah.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka soo xiray ayaa Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo arrimaha Dibadda iyo qorshaynta Aqalka Sare, faray in ay la wareegaan labadaas sharci oo ay ka soo gudtaan waajibaadkooda kuna soo celiyaan Golaha si akhrintiisa labaad loo gudagalo.

Hbnonlinetv Muqdisho.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed