Kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimaha ammaanka oo ka dhacay Somaliland kaasoo laga soo saaray fariimo adag

Kulan looga hadlayay arrimaha ammaanka ayaa lagu qabtay Somaliland kaasoo lagu soo bandhigay warbixino xasaasi ah, oo diirada lagu saaray kor u qaadida ammaanka deegaannada maamulka Somaliland.

Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Miiska Saraakiisha shirkii amniga ee magaalada Hatgeysa, kaasoo ku saabsanaa adkaynta amniga guud , gaar ahaana amniga gudaha iyo xuduudaha Somaliland, shirkan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasiir Ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo ma’suuliyiin kale.

Shirkan amniga ayaa waxaa kale oo lagu falaqaynayeyb u diyaar garowga xuska maalinta  18 ka May ee Somaliland, iyadoo la isla qaatay in la dardargeliyo wada shaqaynta lamaha amniga iyo Xoojinta amniga, iyadoo shacabka loogu baaqay in ay markasta doorkooda ka qaataan ilaalinta nabadgalyada iyo la shaqaynta Ciidamada kala duwan ee u taagan sugid nabadgelyada.

Si kastaba, kulankaan ayaa la isla qaatay in uu noqdo mid joogto ah, laguna soo bandhigo warbixinada kala duwan la xaririiro ammaanka Somaliland, sidoo kale hey’adaha ammaanka ayaa la furay in ay dardar gelinyaan xoojin guud ahaan ammaanka deegaannada maamulkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed