Kulan looga hadlayay doorka warbaahinta iyo dib-u-dhiska dowladnimada oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray Aqoon is-weydaarsi ku saabsan doorka warbaahinta ee hannaanka casriyeynta dowladnimada.

Kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey doorka warbaahinta hey’adaha dowladdu ay ka qaadan karaan hirgelinta Hannaanka casriyeynta Dowladdnimada iyo sidii farriimaha dowladda looga dhigi lahaa kuwo waxtar leh oo isku xira, bulshada iyo dowladda, ayaa ku qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka  Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka ka shaqeeya warbaahinta hey’adaha dowladda in ay noqdaan dad aqoon leh oo xog-ogool u ah arrimaha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dheeraaday doorka ay warbaahintu ku leedahay dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al shabaab, waxa uuna hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu jiheeyo dowladnimada casriga ah.

Kulanka oo intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo warbaahinta loogu jiheynayey hannaanka dowlad-dhiska iyo la dagaallanka Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed