Kulankan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan sidii Soomaaliya iyo Masar ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha duulista rayidka ah ee hawada.
Axmed Macallin Xasan Maareeyaha Hay’adda duuliska Rayidka ee Soomaaliya iyo wafdi ka socda wafdi ka socda hay’adda duulista rayidka dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air ayaa isla soo qaaday sidii Shirkadda diyaaradaha dalka Masar ee Egypt Air ay dhawaan u bilaabi lahayd duulimaad toos ah magaalooyinka Muqdisho & Qaahira.
“Waxaan isla bilownay qiimeynta la xiriirta suurta-galnimada ay duulimaad toos ah uga billaabayso Muqdisho shirkadda diyaaradaha Egypt Air, kaasi oo noqonaya Muqdisho iyo Qaahira ,” ayuu yiri Maareeyaha guud ee hay’ada duulista rayidka ee Soomaaliya Axmed Macallin oo warbaahinta la hadlay ka dib kulankaasi.
Agaasimaha ayaa sheegay in ay wadaan sidii dalka u imaan lahaayeen diyaaradaha bariga dhexe iyo Yurub laga leeyahay taasi oo uu sheegay in ay wax wayn u tari doonto shacabka Soomaaliyeed.
HBN NEWS DESK