Ku Dhawaad 50 Muhaajriin ah oo La Waayay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la waayay ku dhawaaw 50 tahariibayaal ab kuwaas oo saaraan doon mareysay Jasiirad lagu magacaabo Lampeduse  ee xeebaha dalka Talyaaniga

Dhacdadaan ayey sheegtay QM in aad uga walaacsan yihiin, hey’adda UNHCR ayaa shaacisay in  hal cunug oo dhawaan dhashay uu ka mid yahay dadka la la’yahay, ilaa hadda dadkaas wax war ah lagama helin.

Dadkaan ayaa ka soo baxay  magaalada Sfax ee dalka Tunisia ayaa waxaa la socday 46 muhaajiriin ah oo u kala dhashay dalalka Cameroon, Burkina Faso iyo Ivory Coast, sida uu qaxiijiyay Flavio Di Giacomo, oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

Si kastaba, tahariibayaal u socda dalalka Yurub ayaa inta badan ku dhinta xeebaha Yurub kuwaas oo ka soo cararay dalalka Afrika iyo Aasiya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed