Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan xalay saqdii dhexe ka fuliyey koonfurta gobolka Galgaduud ayaa sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab.
Howlgalka oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan ka fuliyeen degaanka Gariile oo hoostaga degamada Ceel-dheer ee gobolka Gal-guduud ay ku dileen 27 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.
Saraakiisha ciidamada howlgalka fuliyey hor kacay ayaa tilmaamay in xubnaha la dilay ay isugu jireen horjoogayaal iyo Maleeshiyaad kale sida aan ka soo xigay Raadiyaha ciidamada dowladda.
Todobaadkan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalo kala duwan oo ay ka fuliyeen ciidamada xoogga dalka ay ku maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab, iyada oo si gaar ah guulo uga sheegtay duqeyn ka dhacday gobolka Galgaduud.
HBN ONLINE TV