Cudurka daacuunka ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 20 qof oo caruur u badan, halka in ka badan 300 oo qofna ay jiifaan isbitaallada. Cudurka Daacuunka ayaa markii ugu horeysay laga soo sheegay xero barakacayaal oo ku taalla magaalada Garoowe dhamaadkii bishii February ee sanadkan, taasoo muujineysa baahida degdega ah ee loo qabo faragelin iyo xakameyn.
Ilaha caafimadka ayaa tilmaamay in cudurku si xowli ah ugu faafayo xarumaha caafimaadka ee deegaanka ee la tacaalaya qulqulka bukaanada, gaar ahaan carruurta. Waxaa socda dadaallo lagu dhimayo faafitaanka cudurka daacuunka, iyadoo shaqaalaha caafimaadku ay si xooggan u caawinayaan dadka uu soo ritay cudurka, isla markaana ay hirgeliyeen tallaabooyin adag oo nadaafadeed si looga hortago in uu sii gudbo.
Dr. Maxamed Jaamac Xirsi oo ah isuduwaha caafimaadka ee gobolka Nugaal ayaa ku nuux nuuxsaday in la sameeyay xarumo lagu karantiilo dadka uu soo ritay cudurka, isagoo carabka ku dhuftay inay qaadayaan tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo.
Daacuunka, oo ah caabuq bakteeriya aad u faafa, waxaa lagu gartaa shuban daran iyo fuuqbax, badannas waa dilaa haddii aan si degdeg ah loo daweyn. Meelaha aan lahayn fayadhowr iyo biyo nadiif ah, sida kaamamka barakacayaasha, ayaa si gaar ah ugu nugul in uu dillaaco daacuun caloolaha sababo la xiriira xaaladaha anan wanaagsaneyn ee dadka u nugul.
HBN NEWS DESK