Ku Dhawaad 20 Dagaal-yahan oo Ka Tirsan Al-shabaab oo La Dilay.

Dowladda Soomaaliya shaacisay ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab gobolka Shabeelada Hoose, howgalkaan ayaa ka dhacay Tuulada Buula Maxamed oo hoos tagta degmada Awdhiigle ee Gobolka Sh hoose.

Werarkaan ayaa waxaa fuliyay Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya iyo Saaxiibadda Caalamiga ah ee taageero, waxana lagu dilay  19 kamih dagaal-yahannada  Al-shabaab.

Warkaan ayaa lagu faafiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa ay sheegeen in Gaadiid iyo hub ay burburiyeen Ciidankii Fuliyey howlgalkaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed