Magaalada Dhuusamareeb xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa maanta Maxkamadda la horgeeyay koox askar ah oo loo heysto Kiis Dil ah iyo banneynta furimihii dagaalka kuwaas oo katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo rasaas ay fureen la sheegay in ku dhintay Taliyahooda sida laga hor sheegay Maxkamadda.
Baraayaal kala duwan oo loo xilsaaray kiiskaan ayaa Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ka hor sheegay in askartaan ay ka baxeen furimihii dagaalka ee gobolka Mudug, kaddibna ay dileen taliyahoodii kula sugnaa magaalada Bacaadweyne, sida ay ka sheeegeen Maxkamadda.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa codsday in shaqsiyaadka sida gaarka ah ugu eedeeysan dilka taliyaha oo lagu magacaabi jiray Labo Xiddigle Mustaf Nuur Suudi, in lagu xakumo dil toogasho ah, halka kuwa kalana xasbiga lagu sii haayo oo lagu xakumo maddaaama lagu eedeeyay in ay ka soo bexeeen furimihii dagaalka amar la’aan.
Qareennada difaacaya Askarta Maxkamadda lasoo taagay ayaa sheegay in aanay jirin qodob culus oo qabanaya mar haddii wax ka yar 24 saac ay ka maqnaayeen furinta ama goobtii ay ku qornaayeen sidaas awgeed waxa ay dalbadeen in aanay loo adeegsadan qodobka 131aad ee xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka sida.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, ayaa gabagabadiii sheegay in dib ay ka soo saari doonaan natiijada baaritaanka dacwda, kaddib markii ay dhageystay marqaatiyaal, eedda xafiiska Xeer Ilaalinta iyo difaaca Qareennada.
HBN NEWS DESK