Koox Ajaanib ah oo qorsheynayay ku biirada Al shabaab oo Kenya gacanta ay ku dhigtay

Ciidamada amaaanka dalka Kenya ayaa howlgallo xooggan oo ay ka sameyeen xadka ay la wadaagto Soomaaliya waxa ay gacanta ku dhigeen koox ajaanib ah oo qorsheyneysay  in ay ku biiraan Ururka Al shabaab ee ka dagaallamo Soomaaliya, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka dalka Kenya.

Shaqsiyaadkaan laamaha amaanka ee dalka Kenya ay soo bandhigeen ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 6 ruux, sidoo kale waxaa ay sheegeen dalalka ay ka soo jeedaan, waxana magacyadoodu lagu sheegay, Muhamed Jahad Farah, Saad Suleiman Saleh, Nadrik Mbwana Salum, Abdul Kadir Salum Seif iyo Ali Issa Ali, kuwaas  ka soo jeeda dhalasho ahaan u Tanzania, iyo  halka Hassan Tourabih Kintosa oo u dhashay Uganda.

Saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in raggaan ay qirteen in ku biirada Al shabaab in ay qorsheynayeen, kadib markii ay gacan ka heleen shaqsiyaad ku kala sugan Tanzania iyo Uganda oo Ururka Al shabaab u qaabilsan  arrimaha qoritaan dadka ku biiraya Kooxda.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeeyso iyada oo dhowr isbuuc ka hor Ciidanka Kenya ay qabteen seddex ruux oo kale  u dhashay Tanzaaniya oo doonaayay in ay ku biiraan kooxda Al shabaab, kuna soo wajahnaa Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed