Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in doorashada madaxtooyada iyo axsaabta siyaasadda ay muddeeyeen 13-ka November 2024-ka, xilligaasna ay dhici doonto.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, ayaa daboolka ka qaaday in saddexda xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada. Waxaanu intaa ku daray in toban urur siyaasadeed ay ku tartami doonaan jagooyinka xisbiyada siyaasadda oo ay ku weheliyaan Kulmiye, UCID, iyo Waddani.
Horraantii 2024-kii, Baarlamaanku waxa uu meel mariyay sharci cusub oo doorasho kaas oo ogolaanaya in isku mar la doorto axsaabta siyaasadda iyo madaxweynaha markii ugu horreysay. Sharciga ayaa sidoo kale dhigay waqtiga doorashada ee November 13, 2024.
Doorashada soo socota ayaa la filayaa in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee mudada dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeya xisbiga talada haya iyo mucaaradka. Khilaafkan ayaa waxa uu horeba u horseeday isku dhacyo u dhexeeya taageerayaasha mucaaridka iyo ciidamada booliska magaalooyin badan oo ka tirsan Somaliland.
Haddaba, iyadoo shacabku u diyaar-garoobayaan doorashadan taariikhiga ah, waxa indhaha laga wada hayaa 13-ka November, 2024-ka, oo ay shacabka Somaliland xaq u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda, isla markaana qaabeeyaan mawqifka gobolkooda sanadaha soo socda.
HBN NEWS DESK