Khilaafkii Doorashada Somailand oo go’aamo cusub laga soo saaray iyo hishiiskii Itoobiya

Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa laga soo saaray go’aanno culus oo taagnaa muddooyinkii la soo dhaafay, kulankaan ayaa  dhexmaray Xukuumada Somaliland iyo Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, waxay  ku heshiiyeen  in doorashada wakhtigeeda la qabto,  in heshiiska Itoobiya la hirgaliyo, iyo in hawada Somaliland lasoo celiyo, sida lagu sheegay kulankaas.

Shirkan ayaa ka dhacay madaxtooya Somaliland ayaa waxaa yeeshay madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo si wadajir ah  warbaahinta ula hadlay, si gaar ah waxaa hadallada jeediyay Guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo Kulmiye.

“Waxaanu shacabka Somaliland ugu bushaaraynaynaa in lagu heshiiyay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto, 2024, bisha November, waxa kale oo aanu idiin ku bushaaraynaynaa in aanu maanta hawadeenii dib ula wareegnay” Guddoomiye Waraabe ayaa sida yiri.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in kulanka la isla qaatay in si def deg ah loo hirgaliyo hishiiskii horraantii bishaan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, waxaa uu sheegay in tallaabadaasi ay tahay hormar wanaagsan,  isla markaana Somaliland ay noqon doonto  dal madaxbannaan, oo aqoonsi ka helay Itoobiya.

Waxa kale oo uu sheegay in sidookale lagu heshiiyay in si dhakhso ah loo hirgaliyo isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya, oo uu sheegay in uu horseed u noqon doono in Somaliland ay noqoto waddan madaxbannaan.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa dhankiisa isna sheegay in lagu heshiiyay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto, in Somaliland ay hawadeeda la wareegto, iyo in heshiiska Itoobiya deg deg loo hirgaliyo.

Golayaasha Sharcidajinta Somaliland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aaddan ay ku dhawaaqaan xalinta khilaafkii ka taagnaa xeerarka doorashooyinka maamulkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed