Khasaaro ka dashay dagaal dhexmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka gobolka Hiiraan

Is rasaaseyn ayaa ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana is rasaaseyn dhexmartay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada Cali Bin Abii Daalib iyo maleeshiyaatkadeegaanka ee loo yaqaan Macawsleey.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka uu si bareer ah u dilay qof rayid ah oo aan waxba galabsan, taasoo keentay in labada dhinac uu dagaal fool ka fool ah ku dhexmaro gobolka Hiiraan ee degmqada Maxaas.

Dhinacyada dagaalamay ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la xaqiijiyay in 3 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, halka tiro kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid degan, isla markaana maamulka deegaanka uu ku dadaalayo sidii xiisadaasi loo soo afjari lahaa, maadaama ay baaritaan bilaabeen.

Joojinta dagaalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa duubabka dhaqanka degmada, xildhibaano, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Bishii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagay jiida hore ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan si uu dib u habeyn ugu sameeyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Booqashada Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay ka hortagga khatarta al-Shabaab iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed