Kenya ayaa xoojisay ilaalinta ammaanka xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya si ay uga hortagto weerarada ay geystaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dambeeya weerarada joogtada ah ee lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah iyo ciidamada amaanka sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka ee dalkaasi.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga ayaa si wada jir ah u wada howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaana la kordhiyay roondooyinka ay ka sameynayaan goobaha horay looga soo diiwaan geliyay falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka.
Saraakiisha ciidamada maamulka ee howlgalkan wada ayaa dadka deegaanka u sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo wada shaqeynta iyo in si dhow loola shaqeeyo laamaha amaanka si loo xoojiyo xasiloonida deegaanadooda.
Ciidamada Kenya ayaa dhawaan xiray rag Ajaanib ah oo lagu eedeeyay in ay ku biireen Al shabaab kuwaasi oo ka soo gudbayay xadka, waxaana socda baaritaano culus oo lagu ogaanayo xog kale oo qarsoon, sida lagu sheegay qoraalka.
Ciidamada ammaanka ayaa dagay dhowr goobood oo cusub oo amaanka lagu xaqiijinayo, si loo qaado talaabooyin lagu xoojinayo amaanka iyo xaqiijinta xasiloonida sida ay sheegeen saraakiisha laamaha aamaanka Kenya.
Si kastaba, kooxda Al shabaab ayaa weeraro dhaliyay khasaaro kala duwan iyo afduub ka geysta xaduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, Nairobi ayaa xirtay xadka 2011, waxana weli ka dhaca weeraro qorsheysan.
HBN NEWS DESK