Booliska ismaamulka Wajeer ayaa xabsiga u taxaabay 18 qof oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah ku joogeen dalkaasi.
18-ka qof ee ajaaniibta ah kana nsoo jeeda dalka Itoobioya ayaa la soo qabtay kadib howlgal ay hay’ado badan ka sameeyeen deegaanka Korondile iyo nawaaxigiisa.
“Waxaa lagu xiray saldhigga booliska ee Korondile inta laga soo taagayo maxkamadda Wajeer si loogu soo oogo dacwad ah inay si sharci darro ah ku joogeen Kenya,” ayaa lagu yiri warbixinta booliiska ee dhacdadan.
Intaa waxaa dheer, ganaaxyo kale ayaa lagu soo rogi karaa sida ay dhigayaan sharciyada socdaalka Kenya, kuwaas oo dhowr jeeer xabisyo iyo ganaaxyo lacageeed ku xukumay shaqsiyaad hore oo dalkaas ku soo galay sharci darro.
HBN NEWS DESK